Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun

Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun

Abii Saciid Alkhudr -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri: "Waxaad taako taako iyo dhudhun dhudhun u raacaysaan dariiqii ay jideeyeen kuwii idinka horeeyey, xataa haday galaan god abeeso lugaley waad raacaysaan" waxaan ku niri: Rasuulka Ilaahayow ma yuhuud iyo nasaaraad u jeedaa? wuxuu yiri: " yaa kale?".

[Xadiis Saxiix ah]

الشرح

Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay sida uu noqondoono xaalaka ummaddisa qaar ka mida waqtiga uu joogo ka dib, taaso ah inay ku raacidoonaan Yuhuuda iyo Nasaarada caqiidadooda, camalkooda, caadadooda iyo dhaqankooda raacid aad u daran oo taako taako iyo dhudhun dhudhun ah, xataa hadii ay galaan god abeeso lugaley ay ka daba galayaan.

فوائد الحديث

Waa astaan ka mid ah astaamihii Nabinimada Nabiga scw, isagoo sii sheegay arinkaasi intuuna dhicin, wuxuuna u dhacay sidii uu sheegay.

Waxaa la reebay in muslimiintu isku ekaysiiyaan gaalada, waa isku mid haday uga ekaadaan xaga caqiidadooda, ama cibaadadooda ama ciidahooda, ama dharkooda u gaarka ah.

waxyaabaha macnawiga ah in lagu cadeeyo tusaale

la taaban karo waxay ka mid tahay usluubka Islaamku dadka wax ku baro.

Abeeso lugaley: waa xayawaan godkiisu aad mugdi u yahay oo qarmuun, waana xamaaratada saxaraha ku badan, sababta tusaalaha loogu gaar yeelay godka abeeso lugaleyda waa inuu aad ciriiri u yahay iyo xumaantiisa, sidaasoo ay tahay siday raadkooda ugu dayanayaan oo dariiqooda u raacayaan hadii ay galaan wax la mida godkaas ciriiriga ah oo xun way ku raacayaan! Ilaahay ayaa kaalmo lehe.

التصنيفات

Isu ekeysiinta la reebay