إعدادات العرض
Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa todobol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya…
Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa todobol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal danbi
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee isaga iyo aabihiiye. Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay scw, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray xasanaadka iyo dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, qofka ku hamiya inuu sameeyo xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban xasano ilaa todobol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal danbi.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Bahasa Indonesia Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Français Tiếng Việt Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan bm ქართული Македонски Malagasyالشرح
Rasuulku scw wuxuu sheegay in Ilaahay qadaray xasanaadka iyo dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba malag siday u qori lahaayeen. Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa todoba boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iyo wixii la mida. Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteeda la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jiray. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal dambi.فوائد الحديث
Waa cadayn Ilaahay fadligiisa wayn ee uu ummaddaan siiyey isago xasanaatka u laalaabay oo agtiisa ugu qoray, oo uusan u laalaabin dambiyada.
Niyadu ahmiyad iyo saamayn ayey ku leedahay camalka.
Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo xasano.
التصنيفات
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka