In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu icitikaafi jirey tobanka danbe ee Ramadaanka, ilaa Ilaahay oofsaday, ka dibna waxaa ictikaafi jirey xaasaskiisii isaga ka dib

In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu icitikaafi jirey tobanka danbe ee Ramadaanka, ilaa Ilaahay oofsaday, ka dibna waxaa ictikaafi jirey xaasaskiisii isaga ka dib

Caa`isha oo Muminiinta Hooyadood ahayd Ilaahay raalli ha ka noqdee ahaydna xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa laga wariyey: In Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu icitikaafi jirey tobanka danbe ee Ramadaanka, ilaa Ilaahay oofsaday, ka dibna waxaa ictikaafi jirey xaasaskiisii isaga ka dib.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Muminiinta Hooyadood ee Caa`isha Ilaahay raali ha ka noqdee waxay sheegtay in Nabigu nabagelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu laasimi jirey ictikaafka toboanka danbe ee Ramadaanka, isagoo doonaayey Laylatul Qadarka, sidaas ayuuna joogtayn jirey ilaa Ilaahay oofsaday, waxaa kaloo laasimay ictikaafka xaasaskiisii isaga ka dib raali Allaha ka noqdee.

فوائد الحديث

Waa sharci in Masaajida lagu ictikaafo, xataa Dumarku way ku ictikaafi karaan hadii la helo nidaamka sharciga ah, iyo in aamin laga yahay fitno.

Ictikaafku wuxuu aad u xoogan yahay tobanka danbe ee Ramadaanka waayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa laasimi jirey.

Ictikaafku waa suno joogto ah ee aan la nasakhin, waayo waxaa ictikaafay Xaasaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isaga ka dib.

التصنيفات

Ictikaafka