إعدادات العرض
Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,
Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,", waxaa lagu yiri: ka waran haduu leeyahay walaalkay waxaan ku sheegay? wuxuu ku yiri: " "haduu leeyahay waxaad, ku sheegtay waad xamatay haduusan lahayn waxaad ku sheegtayna waad hafaryeysay.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली тоҷикӣ Oromoo Wolof Malagasy Български Українська Azərbaycan ქართული bm Македонски Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqiiqada Xanta la xarimay oo ah: in lagu sheego Qofka Muslimka ee maqan wax uu dhibsaonayo, waxaasi ha ahaadaan Sifooyinkiisa Ilaahay ku abuurkay ama kuwo dhaqankiisa ah sida: Cawar, Khaa'in, Beenaale, iyo wixii la mida, ee ereyo Cay ah, xataa haduu leeyahay Sifadaa lagu sheegay. Hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay Xanta, oo waaba Beeabuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.فوائد الحديث
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu wax u baray, waayo masalada wuxuu u soo jeediyaa sida su`aal oo kale.
Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
Shareecadu way dar yeeshay Bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo Walaaltinimada u dhexaysa.
Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibanuhu sheego in la dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta Qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.
التصنيفات
Aadaabta Hadalka iyo Aamuska