إعدادات العرض
Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya
Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade Rasuulka Ilaahay scw wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu sujuudsan yahay ee ducada badiya."
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە ไทย دری Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Malagasy Македонскиالشرح
Nabigu scw wuxuu cadeeyey in adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu sujuudsan yahay, taasina waa qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna sharaf badan jirkiisa isago Ilaahay casa wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo sujuudsan. Nabigu scw wuxuu amray in ducada la badiyo sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.فوائد الحديث
Cibaadadu waxay u kordhisaa adoonka u dhawaanshaha Ilaahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.
Waxaa suno ah in sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.