إعدادات العرض
Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan
Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan
Caa'isha Allaha ka raali Ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan."
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan ქართული тоҷикӣ Македонски bm Malagasy Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay Isagaa sareeya oo nusqaan ka hufane uu u caroodo midka muranka iyo dooda badan, ee Gar maqaataha ah, ee xaqa inuu muran ku difaaco doonaya, ama xaqa ugu dooda si ka baxsan aadaabta iyo xadkii loo baneeyey oo cilmi daro ku dooda.فوائد الحديث
Muranka xun ee la nacay masoo galayo oo kuma jiro dhibanaha xaqiisa u doodaya si sharciga waafaqsan.
Muranka iyo dooddu waxay ka mid yihiin aafada carabka ee sababata kala taga iyo kala jeensiga Muslimiinta dhexdooda.
Muranka iyo doodu waa wax wanaagsan hadii xaq lagu doodayo qaab wanaagsana loo doodayo, waana wax xun hadii xaq la isku hor taagayo baadilna lagu difaacayo, ama ay tahay mid xaq iyo cadayn aan lahayn