إعدادات العرض
Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada
Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabigu scw inuu yiri: "Majiro shay Ilaahay kaga qiimo badan ducada."
[Xadiis Xasan ah] [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் دری Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan ქართული тоҷикӣ Македонски bm Malagasyالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay inaanu jirin shay cibaadada ka mid ah ee Ilaahay agtiisa ka fadli badan ducada, waayo waxaa ku jira ducada in la citiraafo Ilaahay inuu qani yahay Isagaa nusqaan ka hufane, waxa kaloo ku jira ducada in la citiraafo in adoonku tabar yar yahay oo uu Ilaahay u baahan yahay.فوائد الحديث
Fadliga ducada iyo in qofka Ilaahay barya uu wayneeyey, ee uu qiray inuu qani yahay isagaa xumaan ka hufane waayo faqiir lama baryo, wuxuu qiray inuu samiic yahay waayo dhagool lama baryo, kariimna yahay waayo bakhiil lama baryo oo uu raxiim yahay waayo qabiid lama baryo, qaadirna yahay waayo daciif lama baryo oo uu dhaw yahay waayo mid fog kuma maqlayo iyo sifaadka kale ee Ilaahay waynaantiisa iyo quruxdiisa ku saabsan isagaa xumaan ka nasahane.
التصنيفات
Faliga Ducada