Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan

Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan

Cusmaan Binu Cafaan -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-isagoo dhahaya: "Majiro qof muslim ah oo salaad faral ahi u soo gashay, oo wanaajiya waysadeeda, khushuuceeda, rukuuceeda, haduuse jiro waxaa loogu dhaafaa wixii dambi ahaa ee salaadaas ka horeeyey, hadaanu dambi wayn la imaan, arinkaasi waa sanadka oo dhan."

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkii ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qof walba oo Muslim ah oo uu u soo galo waqtiga salaada wajibka ah oo hagaajiya waysadeeda oo dhamaystira, ka dib ku khushuuca salaadiisa isagoo qalbigiisa iyo xubnihiisa hor gaynaya Ilaahay iyo waynankiisa, isagoo dhamaystiraya camalka salaada sida rukuuca, sujuuda iyo qayrki, salaadaasi waxay noqonaysaa mid loogu danbi dhaafo wixii danbi yar ar ahaa ee salaadaas ka horeeyey, haduusan la imaan danbi wayn oo ka mida danbiyada kabaa`irta, fadligaasi wuxuu jiraa waqti walba iyo salaad walba.

فوائد الحديث

Salaada lagu dhaafo dambiyada waa mida uu adoonku wanaajiyo waysadeeda, khushuucna ku tukado isagoo Ilaahay darti ula jeeda.

Fadli wayn baa ku jira joogtaynta cibaadada, waxayna sabab u tahay in lagu dhaafo danbiyada yaryar.

Fadli wayn baa ku jira wanaajinta waysada iyo wanaajinta salaada oo khushuuc lagu tukado.

Waxaa muhiim ah ka fogaanta dambiyada waawayn, si looga dhaafo adoonka dambiyada yar-yar.

Dambiyada waawayn laguma dhaafo towba keen waxaan ahayn.

التصنيفات

Fadliga Salaada