Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan

Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan

Cusmaan Binu Cafaan Allah ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya Sunadii iyo aadaabtii weysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo Dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo cidiyaha Gacmihiisa iyo Lugihiisa.

فوائد الحديث

Waxaa lagu borinayaa in lagu dadaalo barashada waysada, Sunaheeda, aadaabteeda iyo ku camal falkeeda.

Xadiiska waxaa ku sugan fadliga weysada, iyo in dambiyada yar-yar lagau dhaafo, dambiyada waaweynse waa in laga toobad keeno.

Shuruuda dambigu ku baxayo waa in waysada la kaamil yeelo oo lala yimaado waysada iyadoo aan la khaldin sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu sheegay.

Dambi dhaafka Xadiiskan lagu sheegay wuxuu ku xiran yahay in laga fogaado dambiyada waaweyn oo laga towbadkeeno, Ilaahay wuxuu yiri: (haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee laydinka reebay waxaan idiin dhaafi dambiyadiina yar yar.) [Annisaa:31].

التصنيفات

Fadliga waysaysiga