Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}

Caa'isha Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu tago Gogoshiisa Habeen walba wuu isku qaban jirey labadiisa Sacab, wuxuu ku akhrin jiray kuna tufi jiray: { قل هو الله أحد}, iyo {قل أعوذ بربّ الفلق}, iyo { قل أعوذ بربّ النّاس}, ka dibna ku masixi jiray inta uu ka gaaro Jirkiisa, isagoo ka bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo inta soo qaabisha Jirkiisa, seddex jeer buu samayn jiray.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]

الشرح

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dhaqankiisa waxaa ka mid ahaa markuu tago Gogoshiisa si uu u seexdo wuxuu isku qaban jiray labadiisa Sacab isago kor u qaadaya sida Qofka ducaysanaya si khafiifa ayuu ugu tufi jiray Afkiisa Candhuufo yar, wuxuuna ku akhriyi jiray seddexda suuradood ee:{ قل هو الله أحد } iyo { قل أعوذ بربّ الفلق } iyo قل أعوذ برب النّاس }, ka dibna wuxuu ku masixi jiray labadiisa Sacab inta uu gaaro ee Jirkiisa ah, isagoo ku bilaabaya Madaxa iyo Wajigiisa iyo soo jeedkiisa, wuuna ku celcelin jiray ficilkaa seddex jeer.

فوائد الحديث

Waa suno akhrinta suuradaha saddexda ah ee: Alikhlaas iyo labada qul acuudu intaan la seexan iyo in lagu tufo gacmaha, jirkana inta laga gaaro lagu masoxo.

التصنيفات

Fadliga Suuradaha iyo Aayaatka, Aadaabta Hurdada iyo soo kicida