إعدادات العرض
Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii maalmoodba maalin, oo dhaqo madaxiisa iyo jirkiisoo dhan
Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii maalmoodba maalin, oo dhaqo madaxiisa iyo jirkiisoo dhan
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri: " Waxaa muslim kasta xaq ku ah, inuu qubaysto todobadii maalmoodba maalin, oo dhaqo madaxiisa iyo jirkiisoo dhan".
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം Bosanski Italiano ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Українська Wolof Tagalog Moore Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyarالشرح
Rasuulku scw wuxuu sheegay inay xaq sugan ku tahay qofkastoo muslima qaan gaara, caaqila, inuu qubaysto todobada bari ee usbuuca maalin, oo uu maalintaa uu dhaqo madaxiisa iyo dhamaan jirkiisa, isagoo ka doonaya nadaafad iyo dahaaro, waxaana maalmaha ugu haboon maalinta Jumcaha, sida laga fahmayo riwaayadaha qaarkood, qubayska maalinta jumcaha salaada ka hor waa suno aad loo adkeeyey, xataa haduuba qubaystay khamiistii tusaale ahaan, waxaana waajibnimada ka leexiyey, hadalkii Caa'isha-Allaha ka raali ahaadee-: "Waxay ahaayeen dadku kuwo shaqooyinkooda ku jira, markay salaada jumcada tagayaana sidoodaa ayey ku tagayeen, waxaana lagu yiri: hadaad soo qubaysan la haydeen", bukhaari ayaa wariyey, riwaayad kale oo bukhaari leeyahay waxay ahayd: "waxay dadku lahaayeen shiir " waana shiirka dhididka iyo wixii la mida, sidaasoo ay tahay waxaa lagu yiri: " hadaad soo qubaysan lahaydeen", dadka kalena waa kaga sii haboon yihiin.فوائد الحديث
Islaamku ahmiyad iyo dhawrid ayuu siiyey nadaafada iyo dahaarada.
Maalinta jumcada in loo qubaysto salaada waa suno la hubo.
Hadii jirka la xuso waxaa soo galaya madaxa hadana si gaara ayaa loo xusay ahmiyadiisa awgeed.
Waxaa waajib ku ah inuu qubaysto qofkastoo leh shiir dadku dhibsanayaan.
Maalinta ugu mudan qubayska waa maalinta Jumcaha wuxuu sii muhiim yahay maalinta jumcaha, fadliga uu leeyahay maalinkaasi dartii.