إعدادات العرض
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u imid anigo doonaya inaan Islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u imid anigo doonaya inaan Islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob
Qays Binu Caasim -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan u imid anigo doonaya inaan Islaamo, markaasuu wuxuu i faray inaan ku soo qubaysto biyo iyo gob.
[Xadiis Saxiix ah] [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം తెలుగు Bosanski ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Українська Wolof Tagalog Moore Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Português Deutsch Русский Македонски bmالشرح
Qays Binu Caasim ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid isagoo inuu islaamo raba, wuxuuna Nabigu scw ku amray inuu ku soo qubaysto biyo iyo geedka gobka, waayo caleenta gobka waxaa loo adeegsadaa nadaafada, waayo udgoon ayuu leeyahay.فوائد الحديث
Waa sharci inuu soo qubaysto gaalku markuu Islaamayo.
Diinta Islaamku waa diin sharaf leh oo ahmiyad siisey jirka iyo ruuxdaba.
Biyahu haday ku darsamaan wax yaabaha daahirka ah daahirnimadiisa kama qaadayaan.
Halka gobka waxaa galaya wax yaabaha nadaafada loo isticmaalo ee cusub, sida saabuunta iyo wixii la mida.
التصنيفات
Wixii Qubays Waajibiya