إعدادات العرض
Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa habeenka iyo maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo guri baadiye midna ee wuu galin diintiisa
Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa habeenka iyo maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo guri baadiye midna ee wuu galin diintiisa
Tamiim Addaari-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa habeenka iyo maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo guri baadiye midna ee wuu galin diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو हिन्दी Tagalog 中文 Kurdî Português Русский دری অসমীয়া Tiếng Việt አማርኛ Svenska ไทย Yorùbá Кыргызча Kiswahili ગુજરાતી Hausa नेपाली Română മലയാളം Nederlands Oromoo සිංහල پښتو తెలుగు Kinyarwanda Malagasy ಕನ್ನಡ Српскиالشرح
Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu islaamku ku faafidoono meel walba oo dhuka ka mida, diinta Islaamku waxay gaaridoontaa meelkasta oo habeenka iyo maalitu gaaraana, Ilaahayna ka tagi maayo guri magaalo, tuulo, baadiye iyo saxaraha midna ee wuu galinayaa diintaan. Qofka qaata diinta Islaamka ee iimaanka laga helo wuxuu noqon mid lagu sharfo sharafta Islaamka, Midka iska diida ee ku gaalooba diinta wuxuu noqon mid duliya oo ihaanaysan. Intaa ka dib saxaabiga Tamiim addaari-Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay inuu arinkaa ku arkay dadka isaga eheladiisa ah, oo inta ka islaamtay khayr iyo sharaf iyo cisi heleen, inta gaalnimada qaadatayna duli iyo ihaano ku dhacday, iyagoo waliba jisyo bixinaya oo muslimiinta siinaya.فوائد الحديث
Muslimiinta bisharaa ugu sugan xadiiskaan in diintoodu dhulka oo dhan wadagaari doonto.
Cisiga iyo sharaftu Islaamka iyo muslimiintay u sugnaatay, duligana gaalnimada iyo gaaladay u sugnaatay.
Xadiiskaan waxaa ku sugan daliil cad oo ah cadeymaha muujinaya nabinimada Suubbanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- isagoo warkaa uu sheegay uu u dhacay sidii uu sheegay.
التصنيفات
Calaamadaha Qiyaamaha