U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah

U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku boorinayaa Qofka Muuminka ah inuu u deg-degooo uu badsado camalka saalixa ah, inta aan la waayin ama aan lagu mashquulin, fitnooyin iyo shubuhaat imaandoona oo u diidaya oo ka hor istaagaya camalka saalixa ah, fitnooyinkaasi waxay la mid yihiin qayb Habeen Mugdi ah, oo ay isku darsamayaan xaqa iyo baadilku, oo dadka ay ku adkaanayso inay kala saaraan, oo sida ay u daran tahay ay dadku isku dhex yaacayaan, ilaa Qofku uu Waabariisto isagoo Muumin ah, oo Galabaysto isagoo Gaal ah, oo uu galabaysto isagoo Muumina oo uu Waabariisto isagoo Gaala, oo Diintiisa uga tago xoolo Aduunyo oo dhamaanaya.

فوائد الحديث

Waa waajib in Diinta la qabsado, oo loo degdego camalka saalixa ah inta aanay imaan wax dadka u diida camalka saalixa ah.

Waxaa la ishaaray in fitnooyinka lagu baadiyoobo ay isdaba joogaan Aakhiru Samaanka, oo markii fitno tagtaba waxaa daba socota fitno kale.

Hadii Diinta Qofku daciifto oo uu dhaafsado Diintiisa wax yaroo Maal Aduunyo ah ama wax kale ah, taasi waxay sabab u noqonaysaa inuu ka leexado oo isaga tago Diinta oo uu iska dabagalo fitnooyinka.

Xadiiskaani wuxuu daliil u yahay inuu camalka saalixa ahi sabab u yahay in fitnada laga bad-baado.

Fitnadu waa labo qaybood: fitno shubho ah, dawadeeduna waa Cilmi, iyo fitno shahwo ah, dawadeeduna waa iimaan iyo sabir.

Xadiiskan waxaa lagu ishaaray in qofka cibaadadiisu yaraato fitnadu ku soo degdegayso, Qofka cibaadadiisu badan tahayna waxaa haboon inuusan ku kadsoomin khayrka uu haysto balse waa inuu khayrka badsadaa.

التصنيفات

Iimaanka qaybihiisa