إعدادات العرض
(Fidrada fiicani waa shan: gudniinka, xiiritaanka bisqanta, gaabinta shaarubaha, jaritaanka cidiyaha, rifitaanka timaha kilkilada
(Fidrada fiicani waa shan: gudniinka, xiiritaanka bisqanta, gaabinta shaarubaha, jaritaanka cidiyaha, rifitaanka timaha kilkilada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu dhahay: waxaan Nabiga scw ka maqlay isagoo dhahaya: (Fidrada fiicani waa shan: gudniinka, xiiritaanka bisqanta, gaabinta shaarubaha, jaritaanka cidiyaha, rifitaanka timaha kilkilada.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் ไทย دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली Malagasy Italiano or ಕನ್ನಡ Oromoo Română Српски Wolof Українська Moore Azərbaycan ქართული Magyarالشرح
Nabigu scw wuxuu cadeeyey shan wax yaabood oo diinta islaamka iyo sunihii ambiyada ka mid ah: Tan koowaad: gudniinka, waana jaritaan la jaro haraga sare ee qariya madaxa buuryada raga, iyo in la jaro madax kintirka gabdhaha halka buuryadu marayso korkeeda. Tan labaad: waa xiiritaanka timaha bisqanta. Tan saddexaad: gaabinta timaha shaarubaha, lamana ogola inay qariyaan bishinta. Tan afraad: waa jaritaanka cidiyaha. Tan shanaad: waa timaha kilkillada oo la rifo.فوائد الحديث
Sunaha ambiyada ee Ilaahay jecelyahay raaligana ka yahay uuna faray adoomadiisa waxay dadka u tahay kamaal, wanaag iyo qurux.
waa sharci in arimahan la joogteeyo oo aan la moogaan.
Tilmaamahan waxay leeyihiin faa'iidooyin xaga diinta iyo xaga aduunka ah, waxaa ka mid ah: muuqaal wanaag, nadaafada jirka, iyo in dahaarada loo degdego, in gaalada la khilaafo iyo in amarka Ilaahay la qaato.
Xadiisyo kale waxaa lagu sheegay tilmaamo kale oo fidrada ka mida, oo aan shantaan ahayn, sida: garka in la daayo, rumayga, iyo kuwa kale.
التصنيفات
Sunooyinka Fidrada