إعدادات العرض
camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado''
camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado''
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee, wuxuu yiri: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate: camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado'' wuxuu yiri: intaasuu iisheegee, hadaan kordhisan lahaa wuu ii kordhin lahaa.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî Kiswahili සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Tiếng Việt ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Kinyarwanda తెలుగు Lietuvių Oromoo Română മലയാളം Nederlands Српски Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Mooreالشرح
Nabigaa la waydiiyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? waxuuna ku jawaabay: salaadda falarka ah oo waqtigeeda shareecadu xadeysey la tukado. Waxaa ku xiga, labada waalid oo loo baari noqdo loona samafalo, xaqoodan la guto, lagana daayo caasinimada. waxaa ku xiga, Jidka Ilaahay oo lagu jihaado, si kalmada Ilaahay ay u sarayso, iyadoo la difaacaayo Islaamka iyo dadkiisa, loona muujiyo shacaa`irta Islaamka, iyadoo loo hurayo nafta iyo maalkaba. Cabdullaahi Binu Mascuud- Ilaahay ha ka raali ahaadee: wuxuu yiri: intaasuu ii sheegay-Rasuulku scw-, hadaan ku dhihilahaa: maxaa ku xiga? wuu ii siyaadin lahaa.فوائد الحديث
Camalku wuxuu ku kala fadli badan yahay sida uu Ilaahay u kala jecel yahay.
Muslimka waxaa lagu dhiiri gelinayaa inuu ku dadaalo camalba camalka uu kasii fadli badan yahay.
Jawaabaha Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu ka bixiyey camalka ugu fadli badan waxay u kala duwan yihiin waa sida uu dadku axwaashoodu u kala duwan tahay, iyo qof walba sida u roon oo dantu ugu jirto.