إعدادات العرض
Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri -Nabiga scw-: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan
Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri -Nabiga scw-: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan
Anas Binu Maalik -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ka wariyey Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri -Nabiga scw-: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog Français ئۇيغۇرچە Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල Русский Svenska ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Tiếng Việt پښتو অসমীয়া دری Malagasy or Čeština नेपाली Oromoo Română Nederlands తెలుగు Српски ไทย മലയാളം Kinyarwanda Кыргызча ಕನ್ನಡ Wolof Magyar ქართული Moore Українська Македонскиالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay faafitaanka cudurada ay aaminsanaayeen dadkii jaahiliyadu in cudurku iskiis ugu gudbo qof kale oo qadar Ilaahay aanu jirin inay taasi baadil tahay. Baasaysiguna uu baadil yahay, waana in qofku wax uun sharaysto yacni shay uu maqlay ha ahaado ama shay uu arkaye, sida shinbirta ama xayawaan ama dad naafo ah ama lambaro ama maalmo iyo wixii la mida Wuxuu shimbiraha u xusay waxay ahaayeen shimbiruhu waxa ugu caansan ee la baasaysto waqtigii jaahiliyada, asal ahaana waa in shimbiraha la duuliyo marka hawl loo kacayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, hadii shimbirku u duulo xaga midigta wanaag ayuu filanayaa wuuna ku dhaqaaqayaa wuxuu rabay, haduuse u duulo xaga bidix wuu shareysan wuuna ka joogin wuxuu rabay. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu jecel yahay filashada wanaaga, oo ah warka qofka farxada iyo rayrayn geliya taaso ka timid kalimad fiican oo uu maqlay, oo ka dhigaysa in qofku rabigi male fiican ka fisho.فوائد الحديث
Waa in qofku Ilaahay talo saarto, oo uu aamino in Ilaahay mooyee inaysan cid kale khayr u keeni karin, sharkana Ilaahay maahee cid kale aysan ka celin karin.
Waa la reebay shimir baasaysiga, waana waxa qofku sharaysto una diida inuu shaqo qabto.
Malaha wanaagsani kuma jiro sharaysiga la reebay, balse waa filasho wanaagsan oo Ilaahay male fiican laga malaysto.
Wax walba waxay ku dhacaan qadarida Ilaahay casa wajala, waa kaligi cid wax la wadaagtana ma jirto.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada