Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane

Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane

Abii Umaama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaan ka maqlay-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- isagoo khudba akhriyaaya xajkii Alwadaac wuxuuna yiri: "Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane."

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxaa wariyay Ibnu Xibbaan.]

الشرح

Nabiga ayaa khudbeeyey maalintii carafa ee xajkii Alwadaac ee sanadkii tobnaad ee hijrada, waxaana magaca xajatu-Alwadaac loogu bixiyey, Nabigaa -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee dadka sagootiyey xajkaa dhexdiisa, Dadkana dhamaantood wuxuu faray inay Rabigood ka baqaan, una hogaansamaya waxa uu amray, kana fogaanaya waxa uu ka reebay. Salaadaha shanta ah ee Ilaahay habeenkii iyo maalintii ku waajibiyeyna tukadaan. Bisha ramadaana ay soomaan. Sakada xoolohoodana inaysan ku bakhaylin oo ay siiyaan kuwa xaqa u leh. Kuwa Ilaahay madaxda uga dhigay waa inay ku adeecaan wixii aan macsi Ilaahay ahayn Qofka sameeya wax yaabahaa la soo xusay abaal gudkiisu waa janada oo uu galo.

فوائد الحديث

Acmaashaani waxay sabab u tahay janada galideeda.

التصنيفات

Fadliga Camalka Saalixa ah