إعدادات العرض
(Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli shayin qadiir, toban jeer
(Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli shayin qadiir, toban jeer
Abii Ayuub Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Nabiga scw inuu yiri: (Qofka dhaha: laa ilaaha Ilaa Allaah waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli shayin qadiir, toban jeer wuxuu la mid ahaanayaa qof xoreeyey afar qof oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah.)
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt සිංහල Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە Kiswahili தமிழ் دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Moore Українська Български Wolof Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Oromoo Македонскиالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay in qofka dhaha: (laa ilaaha Ilaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku, wa lahul xamdu, wa huwa calaa kuli shayin qadiir) macneheeduna yahay: mid xaq lagu caabudo ma jiro oo aan Ilaahay ahayn, waa kaligii shariigna malah, Ilaahayna isagaa xumaan ka hufane mulkigiisu waa kaamil, wuxuu xag u leeyahay amaan oo dhan iyadoo la jecel yahay oo la waynaynaayo cidaan isaga ahayn la waynayn, Ilaahay waa qaadir wax cajsi galinayaa jirin. Qofka ku celceliya digrigaa wayn maalin kasta toban jeer, wuxuu helayaa ajarka uu helo qof xoreeyey afar adoon oo duriyadii Nabi Ismaaciil ah, isaga iyo aabihiiba nabadi korkooda ha ahaatee, wuxuuna ugu gaar yeelay Nabigu scw duriyada Nabi Ismaaciil way ka sharaf badan yihiin dadka kale.فوائد الحديث
dikrigaan fadligiisa waxaa soo galaya in Ilaahay loo kali yeelo Ilaahnimada, Mulkiga, xamdiga iyo qudro taam ah.
Ajarka dikrigaan wuu helayaa qofkii si xiriira u yiraahda ama si goos goos ah u yiraahda.
التصنيفات
Fadliga Dikriga