Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija

Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAbihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Majiraan Maalmo camalka saalixa ah Ilaahay ka jecel yahay Maalmahan" waxaa loo jeedaa Maalaha tobanka hore ee Bisha Dul-xija, waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, ma xataa Jihaadka Diinta Ilaahay loo Jihaadayo? wuxuu yiri: xataa Jihaadka, inuu yahay mooyee nin u baxay Jihaad oo Naftiisii iyo Maalkiisiiba ku bixiyey oo aan waxba ka soo noqon".

[Xadiis Saxiix ah] [waxaa wariyey bukhaari,Abuu daawuud,lafdiganna isagaa kuwariyey]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija ugu horeeya camalka saalixa ah ee la qabto uu ka fadli badan yahay camalka Maalmaha Sanadka intiisa kale. Asxaabtu Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay waydiiyeen Jihaadka aan ahayn Maalmahan tobanka ah ma isagaa fadli badan mise camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka Bisha Dil-xija laqabto? waxa ay ogaayeen inuu Jihaadku camalka u fadliga badan yahay. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ugu jawaabay in camalka saalixa ee Maalmaha tobanka Dil-xija laqabto ka fadli badan yahay Jihaadka oo la Jihaado waqti aan tobankan dhexdeeda ahayn, ilaa nin u baxay Jihaad oo u huray Naftiisa iyo Maalkiisa waqti Jihaad jiray, sidaana ku waayey Naftiisiii iyo Maalkiisiiba. Waa kaas kan ka fadliga badan camalka saalixa ah ee Maalmaha tobanka ah.

فوائد الحديث

Fadliga tobanka Maalmood ee Bisha Dil-xija waa mid aad u wayn, sidaa darteed waxaa la gudboon Qofka Muslimka ah inuu ka faa'iidaysto Maalmahaa, oo uu badsado gudashada amarka Ilaahay, sida xuska Ilaahay, akhrinta Qur'aanka, Takbiirta "Allaahu akbar", Tahliish "laa ilaaha illa-llaah", Taxmiida "Alxamdu lilaah", Salaada, Sadaqada, Soonka ,iyo dhamaan camalka wanaagsan.

التصنيفات

Tobanka Maalmood ee Dilxija, Fadliga Jihaadka