إعدادات العرض
Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo
Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-: wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: (Ilaahay wuxuu yiri: Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo , beeninta uu i beeniyey waa hadalkiisa: Ilaahay igumasoo celin karo sidii uu ii abuuray, Abuuritaankiisa horena ma aha mid iiga fudud soo celintiisa, caydiisa uu i caayeyna waa hadalkiisa: Ilaahay ilmuu leeyahay, anoo axad ah, oo makhluuqu baahidooda ay u sheegtaan, maanan dhalin la imana dhalin, wax ila mid ahina majiraan).
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Português සිංහල Svenska ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە Tiếng Việt Kiswahili پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or Malagasy Čeština नेपाली Oromoo Română Nederlands తెలుగు ไทย മലയാളം Српски Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Lietuviųالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu xadiis qudsigaan ku cadeeyey in Ilaahay sheegay in mushrikiinta iyo kufaartu Ilaahay beeniyeen oo ay ku sifeeyeen naaqusnimo iyo ceebo, inay sidaas yeelaana kuma haboonayn. Beenintooda ay Ilaahay beeniyeen waa inay sheegteen inaanu Ilaahay u abuuuri doonin markay dhintaan ka dib in mar labaad uu sidoodii hore oo uu cidla ka abuuray u abuuri karo, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay Ilaahii awalba iyagoon jirin abuuray uu awoodaa inuu soo celiyo oo ugasii fudud, waloow Ilaahay ay u wada siman yihiin abuurida iyo soo celintuba, Ilaahay wax walba waa awoodaa. caydooduna: waa hadalkooda: Ilaahay ilmo ayuu leeyahay, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay: inuu yahay Ilaah keli ah, oo la keliyoobay kaamilnimo xaga: magacyadiisa, sifooyinkiisa, afcaashiisa, oo uu ka nasahan yahay naqsi iyo ceeb oo dhan, oo uu yahay Samad aan cidna u baahnayn qof walban uu u baahan yahay, oo qofna uusan waalid u ahayn, oo qofna u ahayn ilmo, cid i la midana aysan jiri mid ila mida iyo mid ii egtoona jirin Ilaahay waa kii xumaan ka nasahan oo sareeya.فوائد الحديث
Waxaa u sugan Ilaahay Awood dhamaanteed.
Waxaa sugan in la isa soo saaridoono dhimashada ka dib.
wuu gaaloobay qofka inkira in la isa soo saaridoono ama yiraahda Ilaahay ilmo ayuu leeyahay.
Ilaahay malaha cid la mida ama u eg.
Waa waasicnimada dulqaadka Ilaahay isagaa xumaan ka hufane, iyo u kaadinta uu u kaadiyey gaalada bal inay toobadkeenaan oo soo laabtaan.
التصنيفات
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka