إعدادات العرض
Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin
Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Kurdî Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Oromoo Wolof Tagalog Français Azərbaycan Українська Português bm Deutsch தமிழ் ქართული Македонски Magyar فارسی Русский 中文 km አማርኛ Malagasyالشرح
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga Tawxiidku leeyahay iyo in Qofkii dhinta isagoo Muumina oo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin uu Janada gelayo.
Xadiiska waxaa ku sugan khatarta shirkigu leeyahay, iyo in Qofkii dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya uu Naarta gelayo.
Muwaxidiinta intooda caasiga ah waxay hoos joogaan mashii`ada Ilaahay , haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.