Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey)

Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey)

Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayda ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. wuxuu yiri: (Abaa Mundiroow, ma og tahay Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay ee aad hayso?) wuxuu yiri: waxaan iri:{ الله لاإله إلا هو الحيّ القيّوم} [البقرة:255]. wuxuu yiri: laabtuu igu dhuftay, wuxuuna yiri: Abaa mundirow Ilaahay cilmi ayuu kuu hibeeyey).

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Ubaya Binu Kacab Aayada ugu weyn kitaabka Ilaahay, jawaabtii wuu ka laalaabtay ka dibna wuxuu yiri: waa Aayatul-kursiga: {الله لا إله إلا هو الحيّ القيّوم }, Nabiguna wuu ku ayiday, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku dhuftay Laabtiisa isago u ishaaraya inay ka buuxdo cilmi iyo xikmad, wuxuuna ugu duceeyey inuu ku liibaano cilmigaan Ilaahayna u fududeeyo.

فوائد الحديث

waa sifo wayn oo fiican oo loo qiray Ubaya Binu Kacab Allaha ka raali noqdee.

Ayatul Kursigu waa Aayada ugu weyn Kitaabka Ilaahay sareeye, waxaa haboon in la xifdiyo oo lagu tadaburo macnaheeda, laguna camal falo.

التصنيفات

Fadliga Suuradaha iyo Aayaatka, Fadliga Cilmiga