إعدادات العرض
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah
Ibni Abii Awfaa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah, Allaahuma Rabanaa lakal-xamdu, mila'asamaawaati wa mila'al Ardi wa mila'a maa shi'ita min shay'in bacdahu." Ilaahay wuu maqlaa Qofka u mahad naqa, Allahayow Rabigayow adaa mahad leh, intay samadu qaado, intuu dhulku qaado iyo muga waxaad adigu doonto oo dhan intaa ka dib".
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली తెలుగు Bosanski ಕನ್ನಡ Kurdî മലയാളം Oromoo Română Italiano Shqip Српски Українська Wolof Moore Português Tagalog Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Deutsch Русскийالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee marka uu ka tooso Rukuucda Salaadda mid dhaha: "Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya ee u mahad naqa", oo macneheedu yahay: Qofka Ilaahay u mahad naqa Ilaahayna wuu aqbalaa mahad naqiisa wuuna ka ajar siiyaa, haddana Ilaahay ayuu u mahad naqayey isagoo dhahaya: "Allahayoow Rabigayoow aday mahadi kuu sugnaatay, inta samada iyo dhulku qaadaan, iyo intaa in ka badan oo waxaad doonto ah waxay qaadi karaan oo mahad ah aday kuu sugnaatay", mahad naq buuxiya samooyinka iyo dhulalka iyo inta u dhaxaysa, iyo waxa kale ee Illaahey doono mahad naq buuxiya.فوائد الحديث
Waa cadayn waxa sunada ah ee uu oranaayo Qofka tukanaya markuu Rukuuca Madaxiisa kor uga soo qaadayo.
WaaSsharci in lala yimaado Ictidaalka iyo Dumaaniinada marka laga soo tooso Rukuuca, waayo suura gal maaha in Adkaartaas la dhoho in lala yimaado Ictidaal iyo Dumaaniino mooyee.
Adkaartaasi waa sharci in la akhriyo dhamaan Salaadaha oo dhan, faral iyo Sunaba.