Qofka dhaha: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona

Qofka dhaha: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona

Daariq Binu Ashiim Alashjaci Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka dhaha: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha ee carabkiisa kaga dhawaaqa: "laa ilaaha illa-llaah", yacni: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, ee ku kufriya waxa Ilaahay sokadii la caabudo, kana bari noqda Diimaha oo dhan, Islaamka mooyee, Ilaahay wuu ka xarimaa Muslimiinta Maalkiisa iyo Dhiigiisa, camalkiisa muuqda mooyaa wax kale kuma lihin, maalkiisa laga qaadi maayo, dhiigiisana la daadin maayo, inuu Danbi ama Jariimo galo ay waajibto in Dhiigiisa la daadiyo iyado axkaanta Islaamka waafaqsan mooyee. Ilaahay baana maamulaya xisaabtiisa Maalinta Qiyaame, hadduu runlow ahaa isagaa ka ajar siin, hadduu munaafaq noqdana isagaa cadaabin.

فوائد الحديث

Ku dhawaaqida Laa Ilaaha Ilaa Allaah, iyo in lagu gaaloobo wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo, shardi ayey u tahay soo galida Islaamka.

Macnaha (laa Ilaaha iIaa Allaah) waa ku gaaloobida wax kastoo Ilaahay sokodi la caabudo, sida Sanamyada, Qabuurta, iyo qayrkood, iyo in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada.

Qofka la yimaadda Tawxiidka una hogaansama Shareecada Islaamka si muuqata, waxaa waajib ah in la amaan siiyo, ilaa ku cadaato wax arinkaa khilaafsan.

Waa xaaraan Muslimka, Maalkiisa, Dhiigiisa, Cirdigiisa, inuu xaq galo mooyee.

Aduunka inta la joogo dadka waxa lagu xukumayaa wixii laga arko ee ay ficilkooda ku muujiyaan, Aakhirona Ilaahay wayne niyadooda iyo qasdigooda ayuu kula xisaabtamin.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada