akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka

akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka

Sacad Binu Hishaam Binu Caamir-markuu u galay Caa'isha-Allaha ka raali ahaaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Hooyadii Mu'uminiintaay, ii sheeg akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , waxay tiri: Qur'aanka miyaadan akhrin? waxaan iri: haa, waxay tiri: akhlaaqda Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa Qur'aanka.

[Xadiis Saxiix ah] [muslim baa wariyey isagoo xadiis aad udheer ah]

الشرح

Waxaa la waydiiyey Caa'isha-Allaha ka raali ahaade akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku jawaabtay hadal aad u guda wayn, waxayna u jeedisay Qofkii su'aasha waydiiyey Qur'aanka oo ah Kitaabka Sifooyinkiisa oo dhan kaamil yihiin, waxayna dhahday: wuxuu ahaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ka akhlaaq dhigta Qur'aanka, oo ku dhaqma isaga, Qur'aanku wuxuu faro wuu fulin jirey, wuxuu ka reebana wuu ka fogaanayey, khuluqiisu wuxuu ahaa mid Qur'aanka ku camal fala, kuna ekaada xuduuddiisa, ka edeb qaata Quraanka, oo ku cibro qaata maahmaahyihiisa iyo qisooyinkiisa.

فوائد الحديث

Waxaa lagu boorinayaa dadku inay kaga daydaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisii uu ka dhigtay akhlaaqda Qur'aanka.

Waa la amaanay akhlaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ka mid ahayd ilayskii Waxyiga.

Qur'aanku waa salka u noqoshada dhamaan akhlaaqda wanaagsan.

Akhlaaqdu Islaamka waxay koobaysaa Diinta oo dhan hadii ay tahay amarka oo la fuiyo iyo hadii ay tahay wixii la iska reebay oo laga fogaado.

التصنيفات

Sifooyinka Akhlaaqda ah