إعدادات العرض
Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa
Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: "yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oo aan u dambi dhaafaa?".
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ ไทย Русский 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە Hausa دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Deutsch Moore Українська Български Wolof Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонскиالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka seddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa Adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa Adoomadiisa Mu'uminiinta ah.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay Habeenka suluska dambe, iyo in la tukado Salaad, oo la ducaysto iyo in danbi dhaaf la waydiisto waqtigaas.
Waxaa la gudboon Qofku markuu xadiiskan maqlo inuu ahaado mid aad ugu dadaala ka faa'iidaysiga saacadaha ducada la aqbalo.
التصنيفات
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka