iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye

iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye

Muqiirah-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan safar la galay, waxaan u foorarsaday si aan uga siibo labada khuf, wuxuu igu yiri: " iska daa, anoo weyso qaba ayaan geliyaye", uuna masaxay.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo safaradiisii mid ka mida ku jira ayuu weyso qaatay. markuu soo gaaray labada Lugood, ayuu Muqiira Binu Shucba laacay si uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga saaro khufkii cagaha ugu jiray, si uu Nabigu u dhaqo Lugaha! wuxuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: iska daa ha bixine , waxaaan gashaday labada Khuf anoo dahaara qabee, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu masaxay labadii Khuf mana dhaqin Lugihiisa.

فوائد الحديث

Marka laga weyso qaadanayo xadaska yar waa sharci in la masaxo khufaynka, laakiin marka laga qubaysanayo xadaska weyn waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqo Cagaha.

Masaxidu waa hal mar oo Gacanta oo qoyan la mariyo khufka korkiisa oo aan xaga hoose laga masaxin.

Waxaa loo shardiyaa masixitaanka labada khuf in marka hore la weyso qabo oo Cagaha Biyo lagu dhaqay ka dibna la gashaday, khufkuna waa inuu yahay daahir, asturaayana Lugta inta ay waajibka tahay in la dhaqo, masixitaankuna wuxuu ahaanayaa xadaska yar ka dib, Qofkii janaaba qaba ama qubays ku waajibay ma masaxayo khufka, masixitaankuna waqti go'an buu leeyahay xaga shareecada, waana habeen iyo maalin qofka aan safarka ahayn, iyo seddex maaal mood iyo habeenadooda oo qofka musaafirka ah.

Waxaa looga qiyaas qaadanayaa labada khuf wax kastoo astura Lugaha sida Sharabaadada iyo qayrkood, weyna banaan tahay in la masaxo.

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lahaa akhlaaq wanaagsan iyo wax baritaan wanaagsan, isagoo u diiday Muqiira inuu ka baxsho labada khuf, sababtana u cadeeyey, taasoo ah inuu gashaday khufka isagoo weyso qaba, si uu Muqiira u fahmo, xukunkana u ogaado.

التصنيفات

Aadaabta iyo Axkaanta Safarka, Masaxida laba Khuf iyo wixii la mida