إعدادات العرض
In Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo
In Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo
Cabdullaahi Binu Maalik Binu Buxaynah -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: In Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Português Kurdî Kiswahili සිංහල دری অসমীয়া ไทย Tiếng Việt አማርኛ Svenska Yorùbá Кыргызча Hausa ગુજરાતી नेपाली Oromoo മലയാളം Română Nederlands پښتو తెలుగు Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Malagasy Српски Mooreالشرح
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu sujuudayo wuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, oo gacan walba wuxuu u fogayn jiray dhinaceeda, sida labo baal oo kale, ilaa ay muuqato midabka labadiisa kilkilo. taasuna waa iyadoo lagu xeel dheeraado in labada gacmood sida baalal laga dhigo oo qofku ka fogeeyo labadiisa dhinac.فوائد الحديث
Waa suno in qaabkaas loo sujuudo, waana iyadoo laga fogeeyo labada cududood labada dhinac.
Qofka ma`amuumka ah hadii kan ku dhinac tukanaya uu ku dhibtoonayo kala fogayntaas uma banaana kala fogayntu.
kala fogaynta gacmaha ee sujuuda waxaa ku jira xikmad iyo faa'iidooyin badan, waxaa ka mid ah: muujinta firfircoonida iyo jaceylka salaada, haduu sujuuda ku taagsado xubin walba waxay qaadanaysaa xubin walba xaqa ay ku leedahay cibaadada, waxaa kaloo la yiri: taas xikmada ku jirtaa waa inay u eg tahay tawaaduc, waana sida ugu fiican oo wajiga iyo sanka dhulka loo saari karo, iyo in xubin walba gaar u soocanto.
التصنيفات
Siduu u Takan jiray Nabigu scw.