إعدادات العرض
waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay
waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِِِِِِAabihiiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu ku yiri Mucaad Binu Jabal markuu u diray Yaman: (( waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay, haday intaa kaa yeelaan, u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay shan Salaadood Habeen iyo Maalin walba, haday intaa kaa yeelaan u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay Sadaqo laga qaadayo intooda Maalka leh, oo lagu celinaayo intooda Saboolka ah, haday intaa kaa yeelaan, waxaan kaaga digayaa Xoolahooda kuwa ugu fiican inaad ka qaado, iskana ilaali ducada kan la dulmiyey, waayo isaga iyo Ilaahay xijaab uma dhexeeyo.
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் ไทย دری Akan Български Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy नेपाली or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Azərbaycan Moore Wolof Oromoo Українська bm km rn ქართული Македонски Српски Ελληνικάالشرح
Nabigu nanbadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yeman isagooDdaaci iyo Macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo taasay Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay Salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka Towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan Salaada wuxuu amrayaa kuwooda Xoolaha leh inay bixiyaan Sakada Xoolahooda siiyaana kuwooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado Xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa kan dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la Dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.فوائد الحديث
Macnaha Shahaada Laa Ilaaha Ilaa Allah: waa in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada, iyo ka tagida in la caabudo cidaan Ilaahay ahayn.
Macnaha Shahaada Ana Maxamedan Rasuulu Allah: waa in la rumeeyo Nabiga nabadgelyo iyio naxariis Allaha siiyee iyo Diinta uu la yimid, oo la rumaysto, lana aamino inuu yahay Rasuulkii u dambeeyey Rususha Ilaahay u soo diray Dadka.
Sida loola hadlo Qofka Caalim ka ah iyo midka shubhada aaminsan la mid maaha sida loola hadlo kan jaahil ka ah, sidaa darteed ayuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ugu baraarujiyey Mucaad hadalkiisii uu yiri: "waxaad u tegaysaa dad Ahlu kitaab ah".
Xadiiska waxaa ku sugan inay muhiim tahay in Muslimku aqoon u leeyahay Diintiisa, si uu isaga dhameeyo shubuhaadka, taaso ah inuu Cilmiga barto.
Xadiiska waxaa ku sugan inay Burtay Diintii Yuhuuda iyo Nasaaradu Markii Ilaahay soo diray Rasuulka ka dib, Yuhuuda iyo Nasaaraduna ka mid maaha dadka maalinta qiyaame nabad gelaya ilaa ay Diinta Islaamka soo galaan, oo ay rumeeyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
التصنيفات
Islaam