إعدادات العرض
Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee
Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee
Cubaada -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ka wariyey inuu yiri: "Qofka qira insuun jirin Ilaah xaq lagu caabudo, ee aan Ilaahay ahayn kaligiisna ah ee aan cidna shirko la ahayn iyo in Maxamed adoonkiisa iyo Rasuulkiisa yahay, Ciisana adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay iyo inuu yahay kalimada Ilaahay ee uu ku tuuray maryama, iyo Ruuxda xaga Ilaahay ka ahaatay, janada iyo naartuna xaq yihiin, Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá සිංහල ไทย دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Română Malagasy Lietuvių Oromoo Nederlands Српски Українська ಕನ್ನಡ Wolof Mooreالشرح
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falaya waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamed iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.فوائد الحديث
Ilaahay koreeyee, wuxuu Ciise Ibinu maryam ku abuuray kalimadiisa uu yiri: (kun) ahow, aabo la'aan.
Hadii la isu geeyo nabi Ciise iyo nabi Maxamed-naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee- inay yihiin laba adoon oo Ilaahay iyo laba Rasuul ee laahay, markaas labadooduba waa labo Rasuul oo aan been sheegayn iyo laba adoon aanna la caabudayn.
Fadliga uu leeyahay towxiidku iyo inuu Ilaahay dambiyada ku dhaafo, qofka muwaxidka ah wuxuu ku danbaynayaa janada hadii xataa ay ka dhacaan dunuubta qaarkeed.