إعدادات العرض
Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato
Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato.
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá සිංහල தமிழ் ไทย دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Română Malagasy Lietuvių Oromoo Nederlands Српски Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar mr Македонскиالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey shuruuda Salaadu ku ansaxayso, taasoo ay ka mid tahay Dahaaradu, sidaa darteedna ay waajib ku tahay Qofka doonaya inuu Salaad tukado inuu wayso qaato, hadii shay waysada buriya ka dhacay, sida Saxarada, Kaadida, Hurdada, iyo qayrkeed.فوائد الحديث
Qofka Xadaska weyn qaba la aqbalimaayo salaadiisa ilaa uu qubays ku dahaaro qaato, xadaska yarna uu ka wayso qaato.
Weysadu waa Biyaha oo Afka lagu shubto laguna wareejiyo lana tufo, Biyahana Sanka gudihiisa loogu shubo ka dibna laga soo firdhiyo oo wajiga la dhaqo seddex jeer, ka dibna Gacmaha la dhaqo ilaa Suxulada seddex jeer, ka dibna Mdaxa oo dhan hal mar la masaxo, ka dibna Lugaha la dhaqo ilaa Anqawyada seddex jeer.
التصنيفات
Waysaysiga