إعدادات العرض
(Allaha u naxariisto nin wanaag badan hadii uu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba.)
(Allaha u naxariisto nin wanaag badan hadii uu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba.)
Jaabir Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: (Allaha u naxariisto nin wanaag badan hadii uu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba.)
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी සිංහල ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands Kiswahili தமிழ் ไทย دری Български Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Akan नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська km bm rn ქართული Македонски Српскиالشرح
Nabigu scw wuxuu naxariis ugu duceeyey qof kastoo sahlan oo deeqsiya oo sakhi ah markuu wax iibinaayo. Kuma adkeeyo sicirka qofka wax ka iibsanaya, wuxuuna kula dhaqmaa akhlaaq fiican. waa qof sahlan oo deeqsi ah oo sakhi ah oo markuu wax iibsanayo ma bakhso mana yareeyo qiimaha badeecada. Waa qof sahlan oo deeqsi ah oo sakhi ah markuu dayntiisa, waydiisanayo, kuma adkeeyo faqiirka iyo kan baahan, balse wuxuu u waydiiyaa si fudud oo naxariisi ku jirto, wuuna ka sugaa kaan haysan.فوائد الحديث
Ujeedooyinka shareecada Islaamka waxaa ka mid ah: ilaalinta danaha wanaagsan iyo xiriirka u dhexeeya dadka.
waxaa la is jeclaysiinayaa in dadka lagula dhaqmo akhlaaqda sare marka wax la kala iibsanayo iyo marka wax la soo iibsanaayo iyo wixii la midaba.
التصنيفات
Akhlaaqda wanaagsan