sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa

sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa marayey dariiqa makka, wuxuu maray buur la dhoho Jumdaan, wuxuu yiri: "socda kani waa jumdaane, sabaqal mufariduun way hor mareen kuwa Ilaahay xusa" waxay dheheen: mufaridiintu waa maxay Rasuulka Ilaahayow? wuxuu yiri: "waa raga iyo dumarka xuska Ilaahay badiya".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey mansilada ay joogaan kuwa Ilaahay xuskiisa badiya, taasoo ah inay kaligood noqdeen oo qayrkood kaga hormareen darajooyin sare oo janada ah, wuxuuna ku shabahay buurta jumdaan ee ka duwan buuraha kale.

فوائد الحديث

Waxaa sune ah in la badiyo laguna mashquulo xuska Ilaahay, waayo tartanka aakhiro waa sida loo kala cibaado badan yahay, iyo in cibaadada Ilaahay loo khaalis yeelo.

Ilaahay waxaa lagu xusaa carabka oo keliya, ama qalbiga oo keliya, ama carabka iyo qalbiga oo wada socda, waana darajada ugu saraysa.

Xuska Ilaahay waxaa ka mid ah adkaar cibaado kale ku xiran, sida adkaarta subixii iyo galabtii, iyo adkaarta ka dambaysa salaadaha faralka ah iyo qayrkoodba.

Imaam Nawawi wuxuu yiri: ogow fadliga adkaartu kuma koobna tasbiixda, taxmiida (alxamdu lilaah), takbiirta (Allaahu akbar) iyo wixii la mida, balse qofkasta oo Ilaahay darti cibaado u sameeya Ilaahay ayuu xusay.

Ilaahay oo la xuso waa asbaabta ugu weyn ee sugnaanta qalbiga lagu helo, Ilaahay wuxuu yiri: {kuwa Ilaahay rumeeyow, hadii aad qolo la diridhaan sugnaada, oo in badan, Ilaahay xusa waxaad mudan tihiin inaad guulaysataane.} [ Anfal:45]

Isku ekeysiinta ka dhexeeya kuwa Alle xusa iyo buurta Jumdaan waa keli ahaanshaha ama gooni ahaanshaha ay buurta jumdaan keligeed buuraha cidlo kaga taal, waa sidaa kuwa Alle xusaana xuska Alle ayey keli ku yihiin, midka la keliyoobay waa midka uu la keliyoobay qalbigiisu iyo carrabkiisuba xuska Rabbigii, xataa hadduu dadla joogo, waa midka xuska Alle weheshada waqtiyada uu cidlaysto, ee cidlada dareema markay dadku kubataan, waxuu noqon karaa xagga isku ekaan shohoogu inuu xusku yahay sababta ku sugnaashaha iyo ku xasilitaanka diinta, sidaasoo kale buuruhuna waa sababta sugnaashaha dhulka, ama waxuu noqonayaa ku hormarida kheyraadka dunida dusheeda iyo aakhiraba isagoo socdaal ka ah Madiina una socda Makka haduu soo gaadho buurta Jamdaan oo astaan u ah inuu soo gaadhey Makka, midka halka soo gaadhana waa mid kasoo hormarey, sidoo kale xuska Alle ayuu midkasu kaga horeyn inta kale dadkabadnaanta xuska Alle ee uu ku sugan yahay dartii, Alle ayaa u aqoon badan.

التصنيفات

Fadliga Dikriga