إعدادات العرض
acmaashu waa niyada uun, qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay
acmaashu waa niyada uun, qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ayuu leeyahay, qofka u soo Hijrooday Ilaahay iyo Rasuulki dartood, Hijradiisu Ilaahay iyo Rasuulkiisa dartood ayey ahaatay, qofkase Hijiradiisu ahayd inuu aduunyo helo ama haweeney uu guursado darteed, Hijradiisu waa wuxuu u soo Hijrooday uun ". Ruwaayada Bukhaarina waxay ahad: " acmaashu waa niyada uun, qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay. "
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan bm ქართული Македонски Ελληνικά kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo, ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allah siiyee, tusaale ayuu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey qofka u niyeysta Hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, Hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, qofka Hijradiisa u niyeysta inuu nafac aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo dumar uu guursado Hijradiisa ka ma helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.فوائد الحديث
Waxaa la isku booriyey ikhlaaska, waayo Ilaahay ma aqbalo camal aan isaga darti loo samayn.
Acmaasha Ilaahay loogu dhawaado hadii qofku u sameeyo si caado ahaana ajar kama helaayo, ilaa uu u niyeysto inuu Ilaahay ugu dhawaado.
التصنيفات
Camalka Qalbiga