((Mu'uminka xoogga wayn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xagga Ilaahay mu'uminka daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay,

((Mu'uminka xoogga wayn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xagga Ilaahay mu'uminka daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay,

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Illaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: ((Mu'uminka xoogga wayn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xagga Ilaahay mu'uminka daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay, ku dadaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaasho, hana caajisin, haddii wax kugu dhacana ha dhihin haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa, waxaadse tiraahdaa: Ilaahay wuxuu doonuu qadaaa wuxuu doonana wuu falaa, Ereyga ( LOW ) camalka shaydaanka ayuu furaa)).

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- wuxuu cadeeyey in qofka mu'uminku sidiisaba khayr badan yahay, hase ahaatee mu'uminka xoogga wayn xagga iimaanka, go'aan qaadashada, maalka iyo waxa la midka ah ee wanaagga ah ayaa ka khayr badan Ilaahayna ka jecel yahay mu'uminka daciifka ka ah. Intaa ka dib wuxuu u dar-daarmay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- mu'uminka inuu qaato sababaha wax yaabaha anfacaya aduun iyo aakhiraba, isagoo Ilaahay tala saaranaya. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka reebay dadka caajiska, wahsiga iyo inuu ka cuslaysto ficilka isaga anfacaya ifka iyo aakhiroba. Markuu mu'uminku ku dadaalo camalka, sababihiisana qaato, isagoo Ilaahay kaashanaya, kheyrna ka dalbaya, qofkaa waxaa lagudboon inuu arrinkiisa Ilaahay u ban dhigo, wuxuu Ilaahay u doorana kheyr yahay, Haddii intaa ka dib musiibo ku dhacado yaanu dhihin: ((Haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa)), ''waayo Ereyga ( Low - haddan-) camalka shaydaanka ayey furtaa'' waana qadarkii oo la diidayo iyo ka qoomamayn wax tegay, laakiin waa inuu dhoho isagoo Ilaahay isku dhiibaya, kuna raalli ah qaddarkiisa'' Ilaahay ayaa qaddaray wuxuu doonana ayuu falaa'', waxa dhacay waa wax Ilaahay horay u xukumay rabitaankiisana ku dhacay, Ilaahay isagaa wuxuu doono sameeya, qaddarkiisana cidi isma hor taagi karto, loogamana dambeyn karo xugun kiisa.

فوائد الحديث

Dadku way ku kala duwan yihiin iimaanka.

Waa sunne in xoog loo yeesho camalka aan qabanayno, waayo xoogga waxaa ku yimaadda faa'iido aan ku iman karin daciifnimada.

Waxaa lagudboon aadoonku inuu ku dadaalo wixii faa'iido u leh, kana fogaado wixii aan tar u lahayn.

Waxaa mu'uminka waajib ku ah inuu Ilaahay gar-gaar waydiisto dhamaan umuurihiisa oo dhan, oo uusan naftiisa isku hallayn.

Waxa Alle xukumo iyo qaddarkiisuba waa run oo waa wax cad oo sugan, kamana hor imanaayo in qofku sababaha iyo dadaalka sameeyo, kheyrkana u dadaalo.

Waxaa la reebey Ereyga ''haddaan saa yeeli lahaa'' oo si caro ku jirto loo dhaho marka musiibo qofka ku dhacdo, waana xaraan in la diido qadaaga iyo qaddarka Ilaahay.

التصنيفات

Masalooyin Qadarka iyo Qadaha ku saabsan, Camalka Qalbiga