Qofka Muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka Sooman ee Salaad u taagan

Qofka Muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka Sooman ee Salaad u taagan

Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Qofka Muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka Sooman ee Salaad u taagan".

[Xadiis Saxiix ah, marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray] [Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo Axmed]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in akhlaaq wanaagu ay Qofka gaarsiiso darajada Qofka si joogto ah Maalintii u Sooma Habeenkiina Salaad u taagan, akhlaaq wanaaga waxaa lagu soo ururiyey: Gacan furnaanta, hadal wanaaga, waji furnaanta, joojinta dhibka iyo dadka oo uu u dulqaato.

فوائد الحديث

Diinta Islaamku si wayn ayey u ilaalisay in la carbiyo akhlaaqda iyo kaamil nimadeeda.

Fadliga akhlaaq wanaaga Adoonku wuxuu ku gaaraa daraja Qofka Sooman ee aan afurayn iyo kan Salaad u taagan ee aan daalayn.

Soonka Maalinta iyo Salaatul-laylku waa labo camal oo waawayn naftana ku adag, darajadooduna gaarayso mida uu helo Qofka akhlaaqda wanaagsan, waayo wuxuu ku dadaalay in naftiisu dhaqan wanaagsan yeelato.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan