, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin

, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin

Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii Jaahiliga samaynay, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga uu leeyahay Islaamka oo la soo galo. Qofka Islaama ee ay fiicnaato Islaamnimadiisu oo ahaada Qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii Macsi ah ee uu sameeyey Jaahiligii. Qofkase Islaamnimadiisu xumaato sida inu Munaafiq noqdo ama Diintiisa ka Ridoobo waa lagu xisaabin Macsidii uu Gaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu Muslimay.

فوائد الحديث

Asaxaabtii Allaha ka raali ahaadee waxay ihtimaam siin jireen oo ka baqi jireen wixii Jaahiligii ka dhacay ee ficilo xun ahaa

Waxaa la isku dhiiri gelinayaa in lagu sugnaado Diinta Islaamka.

Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay soo gelida Diinta Islaamku, iyado Qofka loogu dhaafayo wixii ficil ahaa ee horay uga dhacay.

Qofkii Murtad ah iyo Munaafiqa waa lagu xisaabin ficiladii ay sameeyeen Jaahiligii iyo Danbiyadii ay sameeyeen intay Islaameen.

التصنيفات

Islaam, Imaanka siyaadadiisa iyo nuqsaantiisa