Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahey waydiista inuu iimaanka ku cus boonaysiiyo qalbigiina

Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahey waydiista inuu iimaanka ku cus boonaysiiyo qalbigiina

Cabdullahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali noqdo asaga iyo aabihiye wuxuu yidhi: Nabigu SCW wuxuu yidhi: Iimaanku wuu ku duugoobaa uurkiina sida ay u duugowdo marada cusubi, Ilaahey waydiista inuu iimaanka ku cus boonaysiiyo qalbigiina.

[Xadiis Saxiix ah.]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in iimaanku ku duugoobo qalbiga muslimka, wuxuu u duugoobaa sida marada cusubi ugu duugawdo isticmaalka dheer. Taas waxaa u sababa cibaadada oo laga gaabiyo ama iyado macaasi lala yimaado oo naftu waxay jeceshahay la muquurto. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu inoo sheegay inaan Ilaahey ka barino inuu iimaankeena inoo cusboonaysiiyo, inago gudanayna waajibaadka lana imaanayna dikri badan iyo istiqfaarta.

فوائد الحديث

ku boorinta in Ilaahay la weydiisto ku sugnaanshaha diinta iyo iimaanka oo lagu cusboonaysiioyo qalbiga.

Iimaanku waa mid carabka looga dhawaaqo, xubnaha laga camalfalo qalbigana laga rumeeyo, wuxuu ku siyaadaa cibaadada wuxuuna ku nusqaamaa macsida.

التصنيفات

Imaanka siyaadadiisa iyo nuqsaantiisa