Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan

Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan, mid dhawaaqa ayaa ku dhawaaqin: dadka Janadow, kor ayey u soo istaagin oo soo fiirin wuxuu oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, hadana wuu dhawaaqin, kuwa Naarta ku suganow, kor ayey u soo istaagin waana soo eegayaan, wuxuu ku oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, markaasaa la gawricin, ka dib wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, mar kaasuu akhriyin Ayada: {Nabiyow uga dig Maalinta shalaytada iyadoo la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku sugan} [surada maryam:39], kuwaas qaflada ku sugani waa kuwa Aduunka jooga { iyagu Ilaahay ma ay rumayn} [maryam:39].

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dhimashada la keenidoono Maalinta Qiyaamaha isagoo u eg Idaha labkooda oo leh Midab Cadaan iyo Mdaw ah . Waa loo dhawaaqin: kuwiina Janada ku suganow! waxay soo taagayaan luqunta iyo madaxa waana soo fiirinayaan. wuxuu iyaga ku oran: ma garanaysaan kan? Waxay oran: haa, kani waa dhimashadii, waana soo wada arkeen oo garteen. Ka dib waxaa dhawaaqin kii dhawaaqayey: kuwiina Naarta ku suganow, xagiisa ayey luquntooda u soo taagin iyagoo madaxyadooda kor u qaadaya soona fiirinaya, Wuxuu ku oran: ma taqaanaan kan? Waxay oran: haa, kani dhimashadii wayna wada arkeen. Waa la gowracin, ka dib kii dhawaqaayey wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto. Taasina waa nicmo u siyaaday Muuminiinta, iyo Ciqaab u siyaaday Gaalada. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu akhriyey: {Nabiga Ilaahayow uga dig aaMlinta shalaytada, xili la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku jira oo aan rumasnayn}. Maalinta Qiyaamaha waa la kala saarin dadka Janada gelaya iyo kuwa Naarta gelaya, mid kastana wuxuu gelayaa mida uu helay isagoo ku waaraayo. Wuxuu ka shalaynayaa oo ka qoomamaynayaa kii xumaanta falay inuusan wanaag samayn, kii ka gaabiyey khayrkana wuxuu ka shalaayin inuusan khayrka badsan.

فوائد الحديث

Aakhiro dadku waxay ku danbaynayaan waa inay ku waaraan Janada ama Naarta.

Xadiiska waxaa ku sugan in si daran la isaga digay dhibaatada Maalinka Qiyaamaha, iyo inuu yahay Maalin qoomamo iyo shalayto.

Waa la cadeeyey farxada joogtada ah ee Ahlu Janaha iyo murugada joogtada ah ee Ahlu Naarka.

التصنيفات

Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo, Sifooyinka Janada iyo Naarta, Tafsiirka Aayaatka