qofka Ilaahay darti masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa janada uga dhisa mid la mid ah

qofka Ilaahay darti masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa janada uga dhisa mid la mid ah

Maxamud Binu Labiid Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Cusmaan Binu Cafaan ayaa damcay inuu masaajidka dhiso, dadkiina way dhib sadeen arinkaa, oo waxay jeclaysteen inuu sidiisa u daayo, wuxuuna yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay scw isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa janada uga dhisa mid la mid ah".

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Cusmaan Binu Cafaan-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu damcay inuu dib u dhiso masaajidka Nabiga scw, qaab ka wanaagsan qaabkii hore, dadkii ayaase dhibsaday arinkaa, waayo waxaana ku jira in la badalo qaabkii loo dhisay masjidka waqtigii Nabiga scw, wuxuuna ka dhisnaa masaajidku bulukeeti, saqafkiisuna wuxuu ahaa laamaha timirta, laakiin Cusmaana wuxuu damcay inuu ka dhiso dhagax iyo nuurad, wuxuu Cusmaan sheegay inuu ka maqlay Rasuulka scw isagoo dhahaya: qofka masaajid dhisa, isagoo raali ahaanshaha Ilaahay ku doonaya, is tustus iyo magac doona ka ahayn, Ilaahay wuxuu ku abaal marinayaa abaal marinta ugu fadliga badan oo nuuca camalkiisa ah, kaaso ah in Ilaahay uga gadhisayo janada mid la mida.

فوائد الحديث

Waxaa la isku booriyey in masaajida la dhiso iyo arinkaasi fadliga uu leeyahay.

Balaarinta masaajidka iyo cusboonaysiintiisu waxay soo galayaan fadliga dhismaha masajidka.

Acmaasha oo dhan in Ilaahay loo khaalis yeelo ahmiyad ayey leedahay.

التصنيفات

Axkaanta Masaajida