إعدادات العرض
Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago
Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago".
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം Italiano Bosanski ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Wolof Українська Tagalog தமிழ் Moore Malagasy Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Português Deutsch Македонски Русскийالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in laga tago Salaada faralka ah, wuxuuna sheegay in ninku ku dhoco Sharki iyo Kufri ay ka xigto inuu Salaada ka tago, Salaadu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamka, maqaamkeeduna wuu ku weyn yahay Islaamka, Qofka iskaga taga isagoo inkirsan waajib ahaanteeda Muslimiintu way isku raacsan yihiin inuu Gaaloobay, Qofka uga taga Salaada wahsi iyo fudaydsi wuu Gaaloobay, inay Asaxaabtu sidaa isku raacday baana la soo wariyey, haduu waqtiyada qaarna tukanaayo qaarna iska daynaayo wuxuu khatar ugu jiraa goodigaas adag.فوائد الحديث
Salaadu ahmiyad ayey leedahay in la ilaaliyaana waa muhiim, waxayna kala saaraysaa kufriga iyo iimaanku.
Digniin adag ayaa ku soo aroortay ka tagida Salaada iyo dayaceeda.