Nin ayaa weyso qaatay oo ka tagay meel cidi le`eg oo ciribtiisa ah, Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu arkay, wuxuuna ku yiri: "noqo oo weysadaada hagaaji", wuu laabtay-ninkii- wuuna wanaajiyey weysadii ka dib wuu tukaday

Nin ayaa weyso qaatay oo ka tagay meel cidi le`eg oo ciribtiisa ah, Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu arkay, wuxuuna ku yiri: "noqo oo weysadaada hagaaji", wuu laabtay-ninkii- wuuna wanaajiyey weysadii ka dib wuu tukaday

Jaabir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Cumar Binu Khadaab ayaa ii sheegay: Nin ayaa weyso qaatay oo ka tagay meel cidi le`eg oo ciribtiisa ah, Nabiguna naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu arkay, wuxuuna ku yiri: "noqo oo weysadaada hagaaji", wuu laabtay-ninkii- wuuna wanaajiyey weysadii ka dib wuu tukaday.

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Wuu laabtay ninkii, oo wuu soo dhamaystiray weysadiisa, wuuna tukaday.

فوائد الحديث

Waa waajib in loo dhakhsado farida wanaaga, oo wax loo sheego kan jaahilka ah iyo kan hilmaansan, gaar ahaan hadii munkarkaas uu keenayo in cibaadadiisu burto.

Waa waajib in xubnaha laga weyso qaato la wada gaarsiiyo biyaha, oo qofkii ka taga qayb xubinta ka mida haba yaraadee weysadu ka ansiximayso waxaan ku waajiba inuu soo celiyo waysada hadii waqti dheer ka soo wareegay.

Waa sharci in la wanaajiyo weyso qaadka, waana in la dhameystiro looguna xeel dheeraado sida sharcigu faray.

Labada cagaood waxay ku jiraan xubnaha laga weyso qaato, kumana filna in la masoxo, balse waajib in la dhoqo.

Waxaa haboon in la xiriiriyo xubnaha laga weyso qaato, oo waa in la dhaqo xubinta inta xubintii hore aysan qalalin.

Aqoon la'aanta iyo ilawshuhu qofka ka ma ridayaan wax waajib ah, waxayse ka ridaan dambiga, sidaa darteed ninkan aan wanaajin weysadiisa aqoon la'aantiisa awgeed Nabigu scw kama ridin waajibkii, oo waysadii ah, blase wuxuu faray inuu ku soo celiyo waysada.

التصنيفات

Arkaanta Waysaysiga