Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda

Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda

Abii Marsadin Alqanawi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Haku fadhiisanina qabuuraha, hana u tukanina xageeda".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in lagu fariisto Qabuurta. Sidaasoo kale wuxuu reebay in xaga Qabuurta loo tukado, oo aysan Qabuurtu noqdan mid ka xigta qofka tukanaya xaga Qiblada, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa Shirki.

فوائد الحديث

Waxaa la reebay in Salaada lagu tukada Qabuurta, ama lagu dhex tukado, ama Qubuurta xageeda loola jeesto marka laga reebo

salaada Janaasada, sidaasna Sunaday ku cadahay.

Waxaa loo reebay Salaada in loo tukada qabuurta xageeda, si looga hortago wixii shirki keeni kara.

Islaamku wuxuu reebay in lagu xad gudbo Qubuurta iyo in la xumeeyo Qubuurta, ka badbadin lama ogola ka gaabina lama ogola.

Xurmada Muslimku waa mid joogto ah xataa isagoo dhintay, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "jebinta Lafta Maydku waxay la mid tahay isagoo nolol lagu Jabiyey".

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada, Shuruuda Salaada