إعدادات العرض
kuwaasi waa duul markuu ka dhinto qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista masaajid
kuwaasi waa duul markuu ka dhinto qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista masaajid
Caa'isha oo ahayd muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: Umu Salama waxay u sheegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- kaniisad ay ku aragtay dhulka xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan khalqiga Ilaahay
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ ไทย 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá සිංහල தமிழ் دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Malagasy Română Lietuvių Oromoo Nederlands Српски Deutsch Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar Македонскиالشرح
Muuminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga u sheegtay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Wuxuu yiri: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawiradaana way ku sawirayeen. Wuxuuna cadeeyey, qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.فوائد الحديث
Waa la xarimay in qabuuraha masaajid laga dul dhiso ama lagu tukado ama in masaajida maydka lagu aaso, iyadoo looga hortagayo inay dadku shirki ku dhacaan.
In qubuuraha laga duldhiso masaajid oo sawiro la dhigo, waa camalka ay qabtaan yuhuuda iyo nasaaradu, qofka waxaa soo kale sameeyana iyaguu u ekaanayaa.
Waa la xarimay in la sawiro wixii ruuxi ku jirto.
Qofka ka duldhisa qabri masaajid ee sawiro ku dul sawira, waa kan ugu sharka badan khalqiga Ilaahay Isagaa sareeyee.
Shareecadu waxay ilaalisay towxiidka ilaalin buuxda, waxayna xirtay dhamaan meelaha ay ka imaan karaan wixii shirki keeni kara.
Waxaa la reebay in lagu xad gudbo jacaylka dadka saalixiinta ah, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in shirki lagu dhoco.