إعدادات العرض
Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxa aad ku samaysaan, aduunyada iska jira dumarkana iska jira
Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxa aad ku samaysaan, aduunyada iska jira dumarkana iska jira
Abii Saciid al Khudri-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Aduunyadu waa macaan cagaaran, Ilaahayna idinkuu idiin dhiibay, wuxuuna fiirin waxa aad ku samaysaan, aduunyada iska jira dumarkana iska jira, fitnadii reer beni israa'iil lagu fitneeyey ee ugu horaysay dumarkay ahayd".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá ئۇيغۇرچە ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Kinyarwanda Română తెలుగు Lietuvių Oromoo മലയാളം Nederlands Shqip Српски Deutsch Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyarالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay aduunyadu dhadhan macaan tahay, aragana cagaar u tahay, dadkuna way ku kadsoomayaan, oo isku sii daynayaan macaankeeda, hamigiisa ugu wayna iyaduu ka dhigayaa. Ilaahayna -isagaa nusqaan ka hufane-wuxuu inaga yeelay in qaarkeenba qaarka kale uga danbeeyo aduunyada, si uu Ilaahay u eego waxa aynu samaynayno, inaan isaga adeecayno iyo inaan ku caasiyeyno. Ka dib wuxuu yiri: ka digtoonaada inaad ku sirtoontaan raaxada aduunyada iyo quruxdeeda, oo ay idin gaarsiiso inaad ka tagtaan wuxuu Ilaahay idin faray, oo aad ku dhacdaan wuxuu idinka reebay. Fitnada aduunyada ugu wayn ee ay waajibka tahay in laga digtoonaadaa waa fitnada dumarka, iyadayna ahayd fitnadii ugu horaysey ee reer bani Israa'iil ay ku dhacaan.فوائد الحديث
Waxaa la isku boorinayaa in la joogteeo Taqwada, oo aan lagu mashquulin muuqaalada aduunyada iyo quruxdeeda.
Waxaa laga digayaa in lagu fitnoobo dumarka, sida eegistooda iyo in raga ajaanibta ka ahi ku dhex jiraan, iyo wixii la mida.
Fitnada dumarku waa fitnooyinka ugu waaweyn aduunyada.
Waa in la waansamo oo lagu cibroqaato ummadihii hore, waayo wixii reer banii israa'iil ku dhacay qayrkoodna wuu ku dhici karaa.
fitnada dumarku markay xaaska tahay waxay ku kallifi kartaa ninka masruuf aanu awoodin, waxayna ka mashquulisaa barashada cilmiga, waxayna ku kalifaysaa inuu isku dhabar jabiyo raadinta aduunyada, haday ajnabi ka tahayna fitnadeedu waa inay damac galiso oo xaqa ka leexiso, markay soo baxaan oo ay raga dhex galaan, gaar ahaan hadii aysan asturnayn ee cawradoodu muuqdato, taasina waxay keenaysaa in lagu dhaco sinada darajooyinkeeda, muminka waxaa ku haboon inuu Ilaahay magan galo oo jeclaado si uu uga nabad galo finada dumarka.