إعدادات العرض
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan ka xifdiyey toban Rakcadood: labo Duhurka ka horaysa, labo ka dambaysa, labo Maqribka ka dambaysa oo Gurigiisa uu ku tukan jiray, labo ka dambeeya Cishaha oo Gurigiisa ku tukan jiray, labo Subaxa ka horeeya, waxayna ahayd saacad aan loo soo galin Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Xafsa ayaa ii sheegtay inuu ahaa marka uu Mu'adinku adimo ee fajrigu soo boxo wuxuu tukan jiray labo Rakcadood, hadalkale oo laga wariyey ayaa ahaa: wuxuu tukan jiray Jumcada ka dib labo Rakcadood.
[Xadiis Saxiix ah] [Waa laysku waafaqay Xadiiska Riwaayadiisa dhamaan]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî Kiswahili සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Tiếng Việt ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Kinyarwanda Română తెలుగు Lietuvių Oromoo മലയാളം Nederlands Shqip Српски Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar mr தமிழ் Македонски မြန်မာ አማርኛالشرح
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye-: wuxuu cadeeyey in sunayaasha uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka xafiday ay yihiin toban Rakcadood oo la dhoho Sunooyinka Rawaatibta ah, laboRrakcadood oo Duhurka ka horeeya, iyo labo Rakcadood oo ka dambeeya, labo Rakcadood oo Maqribka ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Cishaha ka dambeeya, oo Gurigiisa uu ku tukan jiray. labo Rakcadood oo Fajarka ka horeeya. Sidaasay ku dhan yihiin tobankii Rakcadood. Salaada Jumcadana labo Rakcadood ayuu ka daba tukan jiray.فوائد الحديث
Rawaatibtaasi waa Suno, waana in la joogteeyo.
Sunaha in Guriga lagu tukado waa Sharci.