إعدادات العرض
Allahayow waxaan kaa magan galayaa cadaabta qabriga, iyo cadaabta naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada masiixu dajaal
Allahayow waxaan kaa magan galayaa cadaabta qabriga, iyo cadaabta naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada masiixu dajaal
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan galayaa cadaabta qabriga, iyo cadaabta naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada masiixu dajaal." hadalkale oo muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka masiixu dajaal."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Hausa Português Kurdî Kiswahili සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Tiếng Việt ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Kinyarwanda Română తెలుగు Lietuvių Oromoo മലയാളം Nederlands Српски Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Moore Shqip ქართული Azərbaycan Magyarالشرح
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa, Tan 1aad: cadaabta qabriga. Tan 2aad: cadaabta naarta ee maalinta qiyaamaha. Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah shahawaatka aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo islaamnimada ama sunada uu ka leexdo, fitnada qabriga sida su'aasha labada malag. Tan 4aad: fitnada masiixu dajaal ka soo bixidoona aakhiru samaanka, Ilaahayna adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.فوائد الحديث
Magan galkaani waa waxa ugu muhimsan ducada wax badana soo hoos galayaan, waayo waxaa soo galaya in laga magan galo sharka Aduunka iyo Aakhiraba.
Waa sugan yahay cadaabul qabrigu waana xaq.
Fitantu waa khatar waana muhiim in Ilaahay la kaalmaysto oo lana baryo si looga nabad galo.
Way sugan tahay soo bixida Dajaal fitnadiisuna waa wayn tahay.
waxaa suna ah ducadan in la akhristo ataxiyaadka u dambeeya ka dib.
camalka saalixa ah ka dib ducadu waa suno
التصنيفات
Adkaarta Salaada