إعدادات العرض
Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya
Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Janada galimaysaan ilaa aad rumaysaan, rumayna maysaan ilaa aad is jeclaataan, ma idin tusaa wax hadaad samaysaan aad is jeclaanaysaan? Salaanta dhexdiina ku faafiya."
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá ئۇيغۇرچە Tiếng Việt ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча or नेपाली Malagasy Kinyarwanda తెలుగు Lietuvių Oromoo Română മലയാളം Nederlands Српски Українська Deutsch ಕನ್ನಡ Wolof Moore Shqip ქართული Azərbaycan Magyar বাংলা Македонски தமிழ் မြန်မာالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaysan janada galeyn cidaan Mu'uminiinta ahayni, iimaankuna ma dhamaystirmo mana hagaagayo xaalka Muslimiintu ilaa ay is jeclaadaan. Ka dibna wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabaha ugu fiican ee is jacaylka keena, waana salaanta oo Muslimiinu lagu faafiyo, taasoo Ilaahay uu ka dhigay salaanta Adoomadiisa ay ku salaamaan.فوائد الحديث
Janada laguma galo wax aan Iimaan ahayn.
Iimaanka kaamilnimadiisa waxaa ka mida in Qofka Muslimkaahi la jeclaado Walaalki waxa uu Naftiisa la jecel yahay.
Waa Suno in salaanta la faafiyo oo Muslimiinta la salaamo, waayo faafinta salaanta dadka waxay u keenaysaa is jacayl iyo amaan.
Salaanta laguma salaami karo Qof aan Muslim ahayn, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " dhexdiina".
Salaanta in lagu dadaalo waxay meesha ka saartaa is naca dadka, kalatega, iyo calool xumada dadka dhexdiisa taala.
Ahmiyad ayey leedahay is jeclaanta Muslimiintu waxayna ka mid tahay iimaanka kaamilnimadiisa.
Xaddiis kale waxaa ku soo arooray, qaabka salaanta buuxda: "Asalaamu calaykum wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh", waxaana ku filan: ''Asalaamu calaykum''.
التصنيفات
Fadliga Camalka Xubnaha