(Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, naartuna waa la mid)

(Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, naartuna waa la mid)

Ibnu Mascuud waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee inuu yiri: Nabigu scw wuxuu yiri: (Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, naartuna waa la mid).

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Albukhaari]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay in janada iyo naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay ah la sameeyo oo janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo naarta.

فوائد الحديث

Waxaa la is jeclaysiinayaa khayrka haba yaraadee, waxa kaloo la iska cabsi galiayaa sharka haba yaraadee.

Qofka muslimka ah waxaa lama huraan u ah noloshiisa inuu kulmiyo rajo iyo cabsi, Ilaahayna waydiisto mar waliba inuu xaqa ku sugo si uu u nabad galo oo uusana ugu kadsoomin xaalkiisa .

التصنيفات

Sifooyinka Janada iyo Naarta